Sunday, June 15, 2025
HomeUncategorizedDad Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeyo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka...

Dad Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeyo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Gumeystaha Yahuudda ayaa sii wada duqeymaha cirka ah iyo madaafiicda uu ku garaacayo xaydaabka go’doonsan ee Qazza, kuwaas sababay shahiidka dhowr qof oo rayid ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in ciidamada Yahuudda ay madaafiic la beedsadeen bariga magaalada Jabaliya ee waqooyiga marinka Qazza. iyadoo isbitaalka Al-Cawda ee magaaladaasi uu sheegay, in labo qof oo rayid ah ay ku shahiideen, halka boqol kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu la beegsadeen dad gargaar ku sugayay Waddada Saalaxu Diin, ee bartamaha marinka Qazza.

34 qof oo rayid ah ayaa Jimcihii shalay ku shahiiday silsilada duqeymo cirka ah iyo madaafiic isdaba joog ah oo ay ciidamada Yahuuddu la beegsadeen goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka rayid ah ee ku sugnaa goobaha laga qaybiyo gargaar bini’aadantinimo.

Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo shalay Jimcihii ay Marinka Qazza ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay muqaawamada Falastiin iyo ciidamada Yahuudda, kuwaas oo khasaarooyin dhabarka loogu saariyay ciidamada Yahuudda ee duulaanka ku jooga marinka Qazza, ciidamada Sahaayinada ayaana dhankooda qirtay, in laba askari ay si xun ugu dhaawacmeen iska horimaadyo ka dhacay waqooyiga marinka Qazza.

Sidoo kale garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ayaa galabnimadii shalay baahiyay muuqaal muujinaya dagaalyahanadooda oo gantaal ku bartilmaameedsanayo taangi ay Yahuuddu leedahay oo gudaha usoo galay magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, kaas doonayay inuu dhabaateeyo shacabka Muslimiinta ah ee ku nool magaaladaas.

Taangigaan oo kamida nooca loo yaqaana Mirkaafaha ayay muqaawamada la beegsadeen madfac Yaasiin 105, kaas oo sababay inuu gabi ahaan basbeelo, sida laga dheehan karo muuqaal laga soo duubay.

Qaybaha danbe ee fiidiyowga ay baahiyeen muqaawamada Falastiin ayaa lagu daawan karaa, iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya gaadiidka ciidamada Yahuudda ee duullaanka kusoo qaaday marinka Qazza, kuna garaacaya madaafiic hoobiyeyaal ah, kuwaas oo sida lagu arki karo muuqaalka ku hoobanaya mandiqad ay ku sugnaayeen in ka badan Toban gaari oo kuwa gaashaaman ah oo uu leeyahay gumaystaha Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.