Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsMarkab Siday Shixnado Konteenaro ah oo Dab ku Qabsaday Meel u Dhow...

Markab Siday Shixnado Konteenaro ah oo Dab ku Qabsaday Meel u Dhow Xeebaha Dalka Hindiya.

Markab siday konteenaro ay ku jiraan walxo kiimiko ah ayaa si lama filaan ah u gubtay, kaddib markii uu dab qabsaday qaybaha hoose ee markabka, kaas oo marayay meel u dhow gobolka Kerala ee Koonfurta Hindiya. Markabkan oo ah nooca qaada xamuulka ayaa sitay calanka dalka Singabuur.

Dabka ka kacay markabka ayaa sababay qarax xooggan oo burburiyay qaybo kamida markabka, taas oo keentay in qaar kamida koonteenaradii saarnaa ay ku daataan badda, arintan ayaana dhalisay cabsi xooggan oo soo food saartay dadka ku dhaqan xeebaha uu markabku ku gubtay, iyada oo laga cabsi qabo in walaxa kiimikada ahaa ee saaran markabka ay saamayn ba’an ku yeeshaan deegaanka iyo biyaha badda ee laga kaluumaysto.

Waaxda Ilaalada Xeebaha ee Hindiya ayaa si degdeg ah uga jawaabtay dhacdhahan, waxaana hawlgallo dab-demis ah loo diray qaar kamida kooxah gurmadka degdega ah ay bilaabeen daminta dabka ka holcaya markanka, iyaga oo isku dayaya inay ka badbaadiyaan shaqaalihii saarnaa markabka.

Markabkan ayaa siday shixnado konteenaro ah oo ay ku jiraan walxo kiimi ah, waxaana kamid ahaa qiyaastii Labo kun oo tan oo shidaal ah iyo Labo boqol iyo afartan tan oo naafto ah, kuwaas oo ku jiray qaybaha hoose ee markabka oo ah halkuu dabku ka kacay. Dhacdadan ayaana halis galinaysa maraakiib badan oo qaada koonteenarada kiimikada ah ee mara xeebahaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.