Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa Dowladda Fedaraalka ku eeyay iney musuqmaasuqdo mashaariicda ay Shisheeyuhu ugu talagaleen maamulkooda.
Saciid Cabdullaahi Dani oo ah Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay musuqmaasuqdo mashaariicda ay Shisheeyuhu ugu talagaleen maamulka uu isagu hogaamiyo.
Waxa uu tilmaamay in dalka dibaddiisa guryo looga dhisto mashaariicdaas, islamarkaana ay Dowladda Fedaraalka musuqmaasqdo, isagoona xusay ineysan dooneyn mashaariicda nuucaas ah.