Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay, in ay bilaabayso dirista agab ciidan oo ay ku jiraan diyaarado dagaal, si ay u xoojiso xulufadeeda ku sugan Bariga Dhexe, halka Iran ay dhankeeda sheegtay in ay ka hortagtay markab dagaal oo Ingiriis ah oo ku dhowaanayay biyaha dalkaas, si uu u taageero hawgallada ay Yahuuddu ka wado Iiraan.
Raysalwasaaraha Ingiriiska Kiir Satarmar oo warbaahinta la hadlay xilli uu ku sii jeeday dalka Kanada, ayaa sheegay in dalkiisu uu si degdeg ah u dirayo qalab ciidan oo casri ah. “Waxaan bilaabnay dirista qalab ciidan oo ay ku jiraan diyaarado dagaal si loogu taageero xaaladaha degdegga ah ee gobolka,” ayuu yiri Raysalwasaaraha Ingiriiska.
Diyaaradahan ayaa lagu wadaa inay qayb ka noqdaan hawlgalka ay Yahuuddu ku qaaday maamulka shiicada ee Iiraan, kaas oo socda maalinkiisii sadexaad oo xiriir ah, dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska iyo dalal badan oo reer galbeed ah ayaa si toos ah u ugu dhawaaqay inay Yahuudda lagarab taagan yihiin taageero nooc walbo leh, halka dalka Pakistaan kaliya uu ku dhawaaqay inuu taageero siin doono Iiraan.