Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsWeeraro Xooggan oo ka Dhacay Dalalka Banin, Niger iyo Burkina-Faso ee Galbeedka...

Weeraro Xooggan oo ka Dhacay Dalalka Banin, Niger iyo Burkina-Faso ee Galbeedka Afrika.

Ciidamada dalalka Saaxilka Afrika ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhanka mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kaas oo cagta lagu mariyay saldhigyo iyo xarumo bar kulan u ahaa boqolaal askari, hawgaladan ayaana ka socda inta badan wadamada galbeedka Afrika ee ay ka hawgalaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxaana dalalka la beegsaday kamida Niijar, Baniin iyo Burkiina-Faaso oo ay ka dhacaan inta weerarada ay qaadaan ciidamada mujaahidiinta.

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ay dhawaan ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Narguuri ee gobolka Fadangarooma ee dalka Burkiina-Faaso. Weerarkan oo dhacay maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay ayaa lagu dilay Shan askari, waxaana lagu qabsaday hub culus iyo agabyo muhiim ah oo ay wateen ciidamada lagu beegsaday xeradaas, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah.

Isla toddobaadkan gudihiisa, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan milatariga jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawgalla wadanka Niijar ayaa beegsaday bar ciidan oo ku taalla deegaanka Takarako ee gobolka Tilaberi. Hawlgalkan oo dhacay habeenkii Khamiista ayaa khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadii ku sugnaa saldhigaas, inkastoo aan khasaare rasmi ah la sheegin, hase ahaatee ciidamada mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhugay hub kala duwan oo ay ka carareen ciidamada Niijar.

Dhinaca kale, xad beenaadka u dhaxeeya dalalka Baniin iyo Nayjeeriya, gaar ahaan dhanka Baniin waxaa sidoo kale ka dhacay hawgal qorshaysan oo ay jihaadiyiintu kula wareegeen  talis ciidan oo ku yaalla deegaanka Baso ee gobolka Barako. Weerarkan oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay, ayaa looga qabsaday ciidamada dalkaas laba qori oo nooca Ak-47 ah iyo qalab ciidan oo kale.

Dagaalada ka socda dalalka dhaca galbeedka Afrika ee ay Hurinayaan ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nustarul Islaam Wal-Muslimiin ayaa maalinba maalinta ka damabaysa sii xoogaysanaya, kuwaas oo la wareegaya saldhigyo milatari oo isku raran ah, iyaga oo ku khaarajiyay in kabadan boqolaal askari iyo kuwo calooshood u shaqaystayaal ah oo ka barbar dagaalama ciidamadaas, kuwaas oo burbur iyo barakicin joogto ah ku haya dadka shacabka ah ee ku dhaqan wadamadaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.