Madaxa golaha Millateriga ee ururka Nato ninka lagu magacaabo Ruub Baawar, ayaa maalintii shalay isagoo kalimad ka jeedinayay magaalada Barasalis ee caasimadda wadanka Biljamka wuxuu shirkadaha Reer-Galbeedka ugu baaqay iney udiyaargaroobaan dagaal.
Wuxuu intaasi ku daray islamarkaana shirkadaha usheegay, in daadejiyaan qorshayaashooda wax soo saarka si haddii xaalad dagaal ay timaado aysan wax saameyn ah ugu yeelan badeecadooda iyo wax soo saarkooda.
Nin hadallada uu yiri waxaa kamid ahaa: ‘’ haddii ay suuragal tahay damaanad qaadikaro helitaanka dhamaan adeeyada, iyo badeecooyinka aasaasigaa mid kastoo ay ahaato, arrinkaas wuxuu qeyb weyn ka noqonayaan awooodeyna aan uleenahay inaan kahor tag sameyno’’.
Warkan ayey dadka fanqeeyayaasha siyaasadda tilmaamayaan inuu yahay farrin dadban oo muujineysa dagaal la doonayo in lagu iclaamiyo dowlado ay kamid yihiin Ruushka iyo Shiinaha, oo aysan haatanba Reer-Galbeedka heshiis ahayn.