Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsAskari katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Magaalo Katirsan Gobalka Galgaduud.

Askari katirsan Dowladda Fedaraalka oo Lagu Dilay Magaalo Katirsan Gobalka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya, in maalintii shalay askari katirsan Dowladda Fedaraalka lagu dilay magaaladaas.

Askariga la dilay ayaa waxa uu si gaar ah kaga tirsanaa ciidamada Boliska ee Dowladda Fedaraalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Cabdulle oo ku magac dheeraa Dhaga-juun.

Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in nin shacab ah oo ku hubeysnaa qoriga AK-47 uu rasaas ku furay askarigaan katirsanaa Boliska Dowladda Fedaraalka, kaas oo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamo Boolis ah oo dilka kadib goobta yimid ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen, nin ay ku tuhmayaan inuu ka dambeeyo dilka loo geystay askariga.

Warar kale oo ay warbaahinta qaar baahineyso ayaa sheegaya, in askariga uu ku dhintay iska hor-imaad dhexmaray ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka iyo dad beeraley ah oo ku dhaqan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Dilka askarigaan ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay askari katirsan Dowladda Fedaraalka lagu dilay degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.

Halkaan ka Degso Warka Askariga la Dilay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.