Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Howlgal Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Degmada Afgooye.

Al-Shabaab oo Howlgal Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Degmada Afgooye.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen dudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa gudaha degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Askari katirsan Dowladda Fedaraalka ayay howlgalkaan ku khaarajiyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka ay ku dhaawaceen mid kale.

Degmada Afgooye waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay, howlgallo qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilay saraakiil iyo askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.