Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsDowladda Mareykanka oo ka Digtay Xaaladda Cakiran ee ka Jirta Dalka Itoobiya.

Dowladda Mareykanka oo ka Digtay Xaaladda Cakiran ee ka Jirta Dalka Itoobiya.

Safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ninka lagu magacaabo Ervin Massinga ayaa waxa uu sheegey, in xaalad aad uliidato ay ka jirto dalka Itoobiya, islamarkaana ay dadka Xabashida ah wajahayaan dhibaatooyin kala duwan.

Qoraal uu kusoo daabacay baraha uu Internetka ku leeyahay ayuu safiirka ku sheegay, in dagaallada sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya ay sababeen burburka kaabayaashii dhaqaale ee dalka Itoobiya, sidoo kalana ay barakacaan dad badan oo Itoobiyaan ah.

“Wey adagtahay in la helo nabad iyo xasilloonida ay doonayaan dadka Itoobiyaanka ah, illaa inta ay ka dhamaanayaan colaadaha ka aloolsan deegaannada Amxaarada, Oromada iyo goballada kale ee ku yaalla dalka” ayuu yiri sadiirka Mareykanka ufadhiya dalka Itoobiya.

Safiirka ayaa Dowladda Xabashida Itoobiya ku amray iney miiska wadahalka isugu keento mucaaradkeeda, islamarkaana la fuliyo go’aannada kasoo baxa heshiiska, balse waxa uu quus ka muujiyay in xilligaan uu wadahal dhexmaro Itoobita iyo jabhadaha mucaaradka ee kasoo horjeeda siyaasadda Abiy Axmed.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.