Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsMillatariga Suudaan oo Sheegay Iney Iska Difaaceen Weerar ay RSF Kusoo Qaaday...

Millatariga Suudaan oo Sheegay Iney Iska Difaaceen Weerar ay RSF Kusoo Qaaday Al-Faashir.

Wararka laga helayo ilo milatari oo ka tirsan ciidamada dawladda Suudaan ayaa sheegaya, in milatariga Suudaan oo taageero ka helaya ciidamo isku dhaf ah ay si adag uga hortageen weerar culus oo ay magaalada Al-Faashir ee gobolka Darfur, kusoo qaadeen maleeshiyaadka taageerada degdega ah.

Weerarka ayaa bilowday aroornimadii hore ee Axadda, iyadoo xooggaga RSF ay magaalada kusoo weerareen duqeymo iskugu jira madaafiicda goobta iyo diyaarado daroonis ah, waxayna sidoo kale dagaal fool ka fool ah kusoo qaadeen difaacyada ciidamada dawladdu ay kaga sugnaayeen jihooyinka woqooyi iyo waqooyi-bari ee magaalada Al-Faashir.

Saraakiisha milatariga ee dawladda Suudaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in dagaalku uu si kulul uga dhacay labada jiho ee waqooyi iyo waqooyi-bari, iyadoo la isku adeegsanayay hub culus iyo mid fudud. Ciidamada dowladda iyo xulafadooda ayaana guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka, sida ay sheegeen sarkaalkiisha dawladda ee warbaahinta la hadlay.

Afhayeenka ciidamada isbaheysiga ee taageera kuwa dawladda Suudaan, Axmed Xuseen Mustafa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in weerarkan uu sababay dhimashada tobanaan katirsan maleeshiyaadka RSF. Wuxuu sidoo kale xusay in xooggagii weerarka soo qaaday ay ahaayeen ciidamo si gaar ah u tababaran, isla markaana amar ka haystay ku xigeenka hogaamiyaha maleeshiyaadka, Cabdiraxiim Doqlo.

Ilo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa sidoo kake sheegay, in dagaalkii shelay ka dhacay duleedka magaalada Al-Faashir, ay ciidamada dawladdu ku qabsadeen gaadiid dagaal oo tiro badan, halka kuwo kale ay burburiyeen, taas oo dib dhac ku keentay maleeshiyaadkii weerarka ahaa ee isku dayayay inay gudaha u galaan magaalada.

Dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa markan u muuqda mid yeeshay waji kale oo ka duwan kii hore, kaddib markii maleeshiyaadka RSF ee uu hogaamiyo Xamdaan Doqlo ay taageero milatari ka heleen maleeshiyaad kale oo daacad u ah Khaliifa Xaftar oo dhanka xuduud beenaadka kasoo galay dalka Suudaan, xooggagan ayaana gacansaar dhow la leh dawladda Imaaraadka Carabta oo taageerta maleeshiyaadka RSF.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.