Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Sheegay Inuu Soo Riday Diyaarado Drone ah Kuna Hanjabay Fulinta...

Ruushka oo Sheegay Inuu Soo Riday Diyaarado Drone ah Kuna Hanjabay Fulinta Weerar Culus.

Ciidamada Yukrayn ayaa weerarro loo adeegsaday diyaarado daroonis ah ku qaaday gudaha dalka Ruushka, kuwaas oo la sheegay in lagusoo riday meel u dhow xuduudka uu dalkaasi la wadaago Ruushka. Goobaha lagusoo riday diyaaradahan ayaana ah goobo ay ku yaallaan xarumo waawayn oo ay leeyihiin askara Moskow lagana hago dagaalka Yukrayn.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay, in ciidamadooda difaaca cirka ay soo rideen 12 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ay dawladda Yukrayn ku weerartay saldhigyada ciidamada Ruushka. Weerarkan ayaa dhacay xalay fiidkii, Sida lagu xusay bayaan rasmiga ah oo kasoo baxay xukumada Moskow.

11 kamid ah diyaaradaha ay Yukrayn kusoo weerartay Ruushka ayaana lagu burburiyay gobolka Uuryuul, halka mid kalena lagu qabtay hawada gobolka Fawrwaniij, xili ay kusii jeeday xarumo miltari oo ay ku sugnaayeen ciidamo Raashiyaan ah oo ka agdhawayd goobta lagusoo riday diyaarada.

Guddoomiyaha gobalka Fawrwaniij, ninka lagu magacaabo Alaksander Guusiif ayaa sheegay, inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan, balse ay wali jirto khatarro amni oo wali laga cabsi qabo. Weeraradan ayaana qayb ka ah duullaanno joogto ah oo ay Yukrayn ku beegsaneyso gudaha Ruushka, iyadoo adeegsaneysa diyaarado daroonis ah iyo gantaallo casri ah oo ay ka heshay dawladaha reer galbeedka.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay, in ay qaadayso weerarro jawaab celin ah oo si toos ah loogu beegsanayo ciidamada Yukrayn, xarumahooda hubka iyo goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada ajaanibta ee qaybta ka ah dagaalka Ruushka iyo Yukrayn. Waxaa intaas dheer oo ay Moskow wacad ku martay, inay bartilmaameedsan doonto warshadaha hubka sameeya ee Yukrayn, si loo xakameeyo awoodda milatari ee Kiyeef.

Hanjabaadan cusub ee uu Ruushku sheegay, inuu ku beegsan doono Xarumaha ugu muhiimsan ee Yukrayn, ayaa kusoo beegmaysa xili maamulka Maraykanku uu amar ku bixiyay, in nidaam difaaceedyadii yaallay gudah Yukrayn la geeyo mandiqada Bariga dhexe, taas oo niyad jab ku riday ciidamada Yukrayn.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.