Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya maamulka Yahuudda iyo Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, ayaa waxa isa soo taraya cabsiga xooggan ee laga muujinayo saameynta ka dhalan karta dagaalkaas.
Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa kol sii horreysay waxa ay ku hanjabtay, iney xiri doonto marin biyoodka Hormuz oo ah kamid ah marinnada ugu muhiimsan ee ay ka gudbaan badeecadaha adduunka, waxaana laga digayaa saameynta ka dhalan karta arrinkaas haddii ay Iiraan ka dhabeyso hanjabaadeeda.