Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsCiidamada Dowladda Fedaraalka oo Dad Danyar ah Dil iyo Dhac Ugu Geystay...

Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Dad Danyar ah Dil iyo Dhac Ugu Geystay Muqdisho.

Habeen hore ciidamo katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, dad danyar ah oo degan xaafad katirsan degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa markii ay dadka danyarta ah utageen waxa ay usheegeen iney yihiin askar katirsan Dowladda Fedaraalka, islamarkaana aysan dhibaato wadin, balse markii ay gudaha ugaleen guryaha dadka rayidka ah ay halkaasi kasoo uruursadeen hantidii tiillay.

Sidoo kale waxa ay ciidanku si bareer ah utoogteen mid kamid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale jirdil haweeney da’ ah, sida uu sheegay nin la dhashay wiilka ay dileen ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.