Marba marka ka dambeysa waxaa isa soo taraya warbixinnada walaaca looga muujinayo mustaqbalka iyo sii socoshada duullaanka loogu yeero AUSSOM ee ay ciidamada Shisheeye ka wadaan Soomaaliya, kaas oo wajahaya dhaqaale la’aan baahsan iyo caqabado kale.
Mid kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya laguna magacaabo The East African ayaa waxa uu baahiyay, warbixin uu ku sheegayo in mugdi badan uu hareerayay duullaanka AUSSOM islamarkaana uu qarka usaaran yahay inuu fashimo, kadib markii Shisheeyaha caalamka ay ku kala dareereen maalgalinta duullaankaan.