Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsQarax Gaari Looga Gubay Ciidanka Kenya oo ka Dhacay Xad-beenaadka Soomaaliya iyo...

Qarax Gaari Looga Gubay Ciidanka Kenya oo ka Dhacay Xad-beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ka imaanaya xad-beenaadka udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar qarax ah la beegsadeen kolonyo katirsan askarta Kenya.

Kolonyada la beegsaday ayaa waxa ay kasoo baxeen Buurta Koomoole, iyagoona sahay udoontay magaalada Kiyuunga ee gobalka Laamuu oo kamid ah dhulalka Muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa kolonyada ciidamada Kenya lagula beegsaday nawaaxiga buurta Jaajaaley oo u dhaw xad beenaadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Gaari Kooyal ah oo kamid ahaa kolonyada ayuu haleelay qaraxa kaas oo gabi ahaabna basbeelay, waxaana halkaasi ku dhintay darawalkii gaariga kaxeynayay, iyadoo uu khasaaraha nafeed intaas ka badan yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.