Mudooyinkii lasoo dhaafay warbaahinta ayaa si aad ah utabineysay xiriir ay sheegeen inuu u dhaxeeyo maleeshiyaadka TPLF iyo iyo dolwadda Eretrea, ayaa waxa lasoo sheegayaa in xukuumadda Asmara ay qaaday tallaabadii ugu horreysay oo qeyb ka ah dhaqdhaaqyada ay ka wado gobalka Tigree ee dalka Itoobiya.
Xukuumadda Asmara ayaa waxa ay gargaar gaarsiiyay gobalka Tigree ee woqooyiga Itoobiya, iyadoo sidoo kale dadka Tigreega ah ufasaxday iney dalkeeda soo galaan islamarkaana ay dekadaheeda kala soo dagi karaan badeecadaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in gobalka Tigree ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya TPLF iyo Asmara, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, waxaana kulamadaan shicaar looga dhigay, isku soo dhawaanshaha walaalaha kala irdhoobay.
Warbaahinta gudaha ee Itoobiya ayaa tabisay, in magaalada Raama ee gobalka Tigree uu ka dhacay bandhig heersare ah, kaas oo ay soo agaasintay kooxda TPLF, islamarkaana ay kasoo qeyb galeen shacab ka kala socday Tigreega iyo Eretrea.
Tani ayaa waxa ay bannaanka soo dhigeysaa dhab ahaanshaha wararkii la tabinayay mudooyinkii lasoo dhaafay, ee ahaa in dowladda Eretrea ay dhaqdhaaqyo ka wado gobalka Tigreega, kuwaas oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ee uu hogaaamiyo Abiy Axmed.
Halkaan ka Degso Warka Eretrea iyo TPLF