Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Sheegay inuu Xayiraad Kusoo Rogo Doono Dalal ay ku Jiraan...

Mareykanka oo Sheegay inuu Xayiraad Kusoo Rogo Doono Dalal ay ku Jiraan Itoobiya & Jabuuti.

Xukuumadda Washintin ayaa lasoo warinayaa iney xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogeyso, illaa 36 dal oo ay kamid yihiin dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in masuuliyiinta iyo shacabka 36-da dal laga mamnuucayo iney usoo safraan dalka Mareykanka.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaanan lagu xusin, sababta ay xukuumadda Washington dalalkaan uga mamnuuceyso iney dalkeeda usoo safraan.

Xogaha qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan, in warqad uu saxiixay xogyahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka lagu sheegay, in dalalkaan laga rabo iney buuxiyaan shuruudo uu Mareykanku usoo bandhigayo, haddii ay diidaanna laga mamnuunayo safarrada Mareykanka.

Halkaan ka Degso Warka Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.