Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in maleeshiyaadka Amxaarada FANO ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ay soo rideen, diyaarad millatari oo ay lahaayeen millatariga Itoobiya.
Diyaaradda oo nuuceedu ahaa kuwa qumaatiga ukaca ee loo yaqaanno Helicopters-ka ayay xoguhu sheegayaan, in maleeshiyaadka FANO ay usuuragashay iney dhulka soo dhigaan.
Deegaan dhaca gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo riday diyaaradda, kadib markii ay gantaal la heleen maleeshiyaadka Amxaarada sida ay sheegeen ila wareedyo ay soo xigatay warbaahinta maxalliga ah.
Deggaanka Debresina oo katirsan degmada Dembia ee duleedka magaalada Gonder ayay si gaar ah ugu soo dhacday diyaarada, taas oo lasoo warinayo in safarkeedu uu ku jihaysnaa magaalada Gorgora oo ku taalla dhinaca waqooyi ee harada Taana.
Dadka deegaanka waxay soo tabiyeen iney maqleen qarax xooggan, waxaana ay wararku sheegayaan in diyaaradda ay la socdeen saraakiil katirsan Itoobiya.
Waxaa dhacdadaan xaqiijiyay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowladda Itoobiya ugu magacaaban gobalka Amxaarada, walow ay xuseen in diyaaradda usoo dhacday shil ay gashay awgeed.
Mid kamid ah warbaahinta dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay, in diyaaradda ay saarnaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa xukuumadda Adis Aababa, sida madaxweynaha Itoobiya, Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka dalkaas, madaxweynaha ismaamulka Amxaarada iyo guddoomiyaha golaha federaalka ee baarlamaanka Itoobiya.
Masuuliyiintaan ayaa waxa ay waxa ay magaalada Gonder kaga qeyb galeen barnaamij ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Gonder, waxaana kol sii horreysay la baahiyay sawirradooda iyagoo booqanaya xarumaha muhiimka ah ee gobalka.
Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya, kaas oo ku aaddan diyaaradda la sheegay iney saarnaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas ee ay FANO sheegatay iney soo riday, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadaan.