Qoysas ku nool magaalada Muqdisho oo saxaafadda ka la hadlay ayaa sheegay inuu dhul ay iyagu leeyihiin oo la deganaa in ka badan sedax qari uu boobayo sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mahdi ayaa ah Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, wuxuuna mid kamid ah dadka sheegaya in dhulka laga boobayo uu sheegay ineysan sarkaalkan kaliya ahayn cidda dhulka ka boobeysa.