Hishiis kale oo halis ku ah kheyraadka umadda Soomaaliyeed ayay markale Dowladda Fedaraalka waxa ay la gashay Dowladda Turkiga oo boob dhaqaale ka wada Soomaaliya.
Hishiiskaan ayay Dowladda Fedaraalka waxa ay si gaar ah ula saxiixatay Shirkadda OYAK ee laga yeelayahay dalka Turkiga, kaas oo xukuumadda Ankara u ogolaanayo iney boobto kheyraadk badda, islamarkaana ay si bilaash ah ku qaadato kalluunka.
Wasiirka Kalluumeysiga ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in hishiiskaan ay ka helayaan mashruuc lagu horimarinayo Kalluunka, taas badalkeedana ay sharikadda laga leeyahay Turkiga ay maamuli doonto dhaqaalaha kasoo xarooda Kalluunka Soomaaliya.