Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday iney diyaarisay ciidamo cusub oo kor udhaafaya 2 Milyan, kuwaas oo lagu micneeyay iney ugu talogashay dagaalka ka dhanka ah dowladaha ay is hayaan xukuumadda Adis Ababa.
Berhanu Jula oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya oo khudbad ka hor jeedinayay baarlamaanka Xukuumadda Adis Ababa ayaa waxa uu sheegay, in loo baahan yahay ciidamo badan oo ay yeelato Itoobiya, maadaama buu yiri ay sii kordhayaan dadka Itoobiyaanka ah sida uu hadalka udhigay.
Falanqeeyayaasha ayaa waxa ay sheegayaan, in sababta ay dowladda Itoobiya ukordhineyso ciidankeeda ay tahay sidii ay ugula dagaallami laheyd dowladaha dariska la ah, sida Eretrea Masar iyo Suudaan, kuwaas oo uu kala dhaxeeyo khilaafaad muddo so jiitamayay.
Halkaan ka Degso Warka Itoobiya