Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka iyo tacaddiyada kala duwan ee ay ciidamada maamulka ku daaban Dowladda Itoobiya ka geysanayaan dhulka Soomaali-galbeed.
Habeen hore waxaa magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-galbeed lagu toogtay wiil dhalinyaro ah, kaas oo uu soo gaaray dhaawac culus, isagoo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka weyn ee magaalada Jigjiga.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay warbaahinta uxaqiijiyeen, in askariga oo ilaalo u ahaa masuul katirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed uu si bareer ah rasaas ugu furay wiilka dhalinyaro ah kadib markii ay is maandhaafeen.
Askariga ayaa markii uu falkaan geysanayay waxa uu xirnaa dhar caadi ah, markii ay wiilka dhalinyarada ah murmeen islamarkaana uu dhaawaca gaarsiiyay kadibna uu soo xirtay dareyska ciidanka.
Wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Xamza ayaa waxa ay ehelladiisu sheegeen, in ninka toogtay wiilkooda oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha maxkamadda maamulka ay Dowladda Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed.