Xoga dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymihii ay dowladda Shiicada Iiraan ku garaacday dhulka Falastiin ee ay Yahuuddu xoogga ku haysato.
Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Yahuudda ayaa sheegtay, in dad gaaraya 94 qof oo ku dhaawacmeen gantaallada Iiraan loo qaaday xarumaha caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay, inay qabeen dhaawacyo kala duwan, halka Shan Kun oo Yahuud ah laga daadgureeyay guryahoodii kadib markii gantaallada Iiraan ay waxyeello u geysteen.
Ciidamada kayyaanka Yahuudda ayaa dhankooda sheegay, inay ka jawaabeen duqeymahaas, iyagoo tibaaxay, in inka badan 50 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay saacadihii lasoo dhaafay ku weerareen dhulka Iiraan, waxayna intaasi ku dareen, inay beegsadeen ahdaaf ciidan oo ay kamid yihiin xarumaha Nukliyeer ee Iiraan, balse dowladda Iiraan ayaa sheegtay, in xaaladda xarunteeda Nukliyeerka ay tahay mid wanaagsan, isla markaana ay Yahuudda ka soo rideen diyaarad dagaal oo kamida kuwa casriga ee uu Mareykanku farsameeyo nooceeduna yahay F-35, taas oo markii lasoo ridayay dul heehaabaysay aag koonfur ka xiga magaalada Tehraan ee caasimadda Iiraan.
Dhankiisa, hoggaamiyaha Shiicada Iiraan Cali Khumayni ayaa qoraal ku qornaa afka Carabiga oo uu soo dhigay bartiisa “X”, hanjabaad culus ugu diray gumaystaha Yahuudda isagoo lahjad kulul ku sheegay, inay waligood wax gorgortan ah ka gali doonin beegsiga kayyaan Yahuudda.