Guddoomiyaha amniga qowmiga ah ee Ruushka ninka lagu magacaabo Sirgi Shoygo ayaa ku dhawaaqay, in Kuuriyada Waqooyi ay ciidamo millateri iyo khubaro ku takhasusay walxa qarxa ay u diri doonto Ruushka gaar ahaan, gobolka Kurusk ee dhaca galbeedka daalkaas, kuwaas oo uu sheegay, inay gacan ka geysan doonaan dib u dhiska gobalkaas kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka Yukrayn.
Mas’uulkan Raashiyaanka ah ayaana wadahadal la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kiim Joon Uun markii labaad wax ka yar laba toddobaad, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Ruushka.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, tabarucaadkan cusub ee ay Kuuriyada Waqooyi u fidinayso Ruushka ayaa waxaa ka mid ah fariiq injineerro ah oo ku takhasusay dhismaha iyo laba guuto oo millatari oo ka kooban Shan kun oo askari, marka lagu daro Kun khabiir oo ku takhasusay nadiifinta iyo suulinta miinooyinka iyo walxaha ka haray dagaallada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Mosko iyo Biyoongyaang kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay noqotay xaliifka ugu wayn ee Ruushka intii uu socday dagaalka, iyadoo waa Kuuriyada Waqooyi ee kumanaan ka tirsan askarteeda horay ugu daabushay waddanka Ruushka si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada millatariga dalkaas ee dagaal ba’an kula jira kuwa Yukrayn, sida ay xaqiijeen labada waddan.
Waxaa xusid mudan in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay kala saxiixdeen sannadkii hore heshiis millaateri oo ballaaran oo uu ku jiray qodob ka hadlayay, in labada waddan ay si wada jir ah isaga kaashadaan xagga difaaca, halka warbixinnada sirdoonka ee reer galbeedka ay muujinayeen in Kuuriyada Waqooyi ay hub siiso Ruushka.
Ku dhawaaqistaan ayaa kusoo beegantay, iyadoo ugu yaraan Shan iyo Toban qof ay ku dhinteen, halka Boqol, Lix iyo Kontan kalena ay ku dhaawacmeen weerarro waaweyn oo uu Ruushku shalay ku qaaday caasimadda Yukrayn ee Kiyeef iyo magaalooyin kale, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu xooganaa tan iyo bilowgii sannadkan, sida ay sheegeen saraakiisha Yukrayn.