Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsAskar Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho iyo Ugandeys Lagu Weeraray...

Askar Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho iyo Ugandeys Lagu Weeraray Sh-hoose.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weerar qarax ah oo khasaare kala duwan geystay, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyo weeraro ka dhan ah ciidananka Uganda oo ka dhacay Sh-hoose.

Haddaan ku horeyno duleedka magaalada Muqdisho, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qarax ah waxa ay la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo marayay deegaan dhaca halkaas.

Gaari Cabdi ah oo ay ka buuxeen askar katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa qaraxa lagula beegsaday, deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa gabi ahaanba burburiyay gaariga, waxaana halkaasi lagu dilay 5 askari, halka lagu dhaawacay 8 askari.

Geesta kale waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen, xeryaha ay askarta Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka ku leeyihiin, degmada Qoryooley iyo deegaan dhaca duleedka degmada Baraawe oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.