Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsNin Shacab ah oo Lagu Dhex Dilay Saldhig Ku Yaalla Magaalada Muqdisho.

Nin Shacab ah oo Lagu Dhex Dilay Saldhig Ku Yaalla Magaalada Muqdisho.

Waxaa saldhig ku yaalla mid kamid ah degmooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho laga helay meydka nin lagu dhex dilay gudaha saldhigga.

Ninkaan oo ay maalin kahor xireen ciidamada Dowladda Fedaraalka kuna eedeeyeen inuu saacad xaday ayaa waxaa lagu dhex dilay saldhigaan oo ku yaalla xaafadda Gubadley oo katirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Hooyada dhashay ninka la dilay ayaa kahor inta aan geeridiisa loosheegin waxa ay sheegtay, in laga dalbaday lacag dhan 70$, waxaana intii ay lacagtaasi ku maqneed lagu soo wargaliyay in ay meydka wiilkeeda soo doonayo, waana tan iyadoo ka waramaya qaabka uu dilka udhacay.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.