Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsSiyaasi Soomaali ah oo Caan ka ah Dhulka Soomaali-Galbeed oo Lagu Xiray...

Siyaasi Soomaali ah oo Caan ka ah Dhulka Soomaali-Galbeed oo Lagu Xiray Dirirdhabe.

Magaalada Dirirdhabe ee dhulka Soomaaligalbeed ee kuhoos jirta gumeysiga Xabashida Itoobiya, ayaa lagu xiray siyaasi Soomaali ah, oo dhaliili jiray maamulka Xabashida ugu magacaaban dhulkaas.

Aadan Alaale ayaa laga qabtay magaalada Dirirdhaba, waxaana la ogeyn illaa iyo hadda halka uu ku xiranyahay iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubkiisa, laakiin waxa uu ninkani caan ku ahaa inuu dhaliilo maamulka Xabashida ugu magacaaban magaalada.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in maamulka Xabsahida ee magaalada Dirirdhabe ay ku eedeeyeen Aadan Alaale, inuu kicinayo dadka deegaanka, iyadoo ay magaaladu ku xoogeysanayaan dadka Itoobiyaanka ah, kuwaasoo dhawaan dalbaday in matalaad buuxda ku yeeshaan maamulka Dirirdhaba iyo guud ahaan dhulka Soomaali galbeed.

Cabdi Cismaan oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Siti ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xiritaanka Aadan Alaale, oo uu sheegay in lagu heysto waxyaabaha qarsoonaa oo Soomaalida ka dhan ah oo uu banaanka soo dhigay.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.