Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsInka Badan 100 Qof oo Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo Yahuuddu...

Inka Badan 100 Qof oo Shuhado iyo Dhaawac ku Noqday Duqeymo Yahuuddu ka Fulisay Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado xasuuqa iyo isir-sifaynta uu kula kacayo dadka maatada ah ee ku nool marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay kooxaha muqaawamada Falastiin fuliyeen hawlgallo lagu laayaay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada gumaystaha Yahuudda ee duulaanka ku jooga jiidda Qazza.

Wararka maanta oo Khamiis ah inaga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in gawaari ay wateen ciidamada Yahuudda iyo diyaarada aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen dad rayid ah oo gargaar ku sugayay agagaarka Waadi-Qazza, ee waqooyiga Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza, halkaasi oo ay ku shahiideen Lix iyi Toban qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​Boqol kale.

Ciidamada gumeysiga ayaa sidoo kale burburin xooggan u geystay guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku yaalla bariga Jabaliyal-Balad ee waqooyi marinka Qazza, iyadoo aan lasoo tabinin cid wax ku noqotay duqeymahaas.

Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay, in Sagaal iyo Lixdan qof oo rayid ah ay ku shahiideen marinka Qazza tan iyo waaberigii Arbacadii shalay, kuwaas oo ay ku jireen Sagaal iyo Labaatan qof oo sugayay gargaar raashin ah.

Geesta kale, Muqaawamada Falastiin ayaa galinkii danbe ee shalay oo Arbaco ahayd ku dhawaaqday, inay hawlgal ay ka fuliyeen bariga magaalada Khaan Yuunis ku khaarijiyeen askari Yahuudi ah, kaas oo goobta lagu dilay ay kusoo degtay diyaarad Helokoobtar ah oo maydkiisa meesha ka qaaday, ciidamada Yahuudda ayaana dhankooda qirtay dilka askarigaas iyagoona xusay inuu ahaa sarkaal daraja sare haystay.

Garabka millatari ee muqaawamada ayaa sidoo kale sheegay, inay tiro madaafiic ah ku garaaceen isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada Yahuudda iyo gaadiidkooda dagaalka oo marayay waqooyiga magaalada Khaan Yuunis.

Halka ciidamada cadawga Sahaayinada ay qirteen, in hal askari looga dilay mid kalena uu si xun uga dhaawacmay iska horimaad ay la galeen dagaalyahanada wax iska caabinta ee Marinka Qazza. Warbaahinta Yahuudda oo caan ku ah qarinta khasaaraha rasmiga ah ayaa ku warrantay, in afar askari oo Yahuud ah lagu dilay Qazza Toddobaad gudihiis.

Hawlgalladaan ay fuliyeen muqaawamada Falastiin ayaa qayb ka ah iska hor-imaadyada hubaysan ee u dhaxeeya kooxaha Falastiiniyiinta ee xoogga lagu haysto dhulkooda iyo ciidamada Yahuudda ee duulaanka ah, kuwaas oo tan iyo 7-dii bishii Octoobar ee Sanadkii 2023-ka ka wadda marinka Qazza dagaal lagu cirib tirayo shacabka ku nool Marinka Qazza, kaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca Kumanaan Falastiiniyiin rayid ah oo an waxba galabsanin, kuwaasoo u badan sida ay tira-koobyadu tilmaamayaan carruur iyo haween

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.