Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Sheegtay iney Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ururka Shiiciga...

Yahuudda oo Sheegtay iney Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ururka Shiiciga ah ee “Xisbullaah”.

Ciidamada Yahuudda oo duqyamo culus ka fuliyay gudaha dalka Lubnaan ayaa sheegtay, inay khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, kuwaas oo maalmihii dambe wajahayay duqaymo lagu bartilmaameedsaday tobanaan kamida taliyaasha ciidamada iyo laamaha kala duwan ee kooxda.

Maamulka Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, in uu fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday nin lagu magacaabo Yaasiin Cabdul-Muncim Cismaan, oo ay ku tilmaameen inuu ahaa taliyihii madaafiicda ururka Xisbullaah ee ka howlgalayey deegaannada hoos yimaada Wabiga Liiṭaani ee Koonfurta Lubnaan. Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Baarish, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay afhayeenka ciidamada Yahuudda, in kasta oo aysan jirin khabar ku saabsan arintaas oo kasoo baxay dhanka Xibullaah.

Sida ay sheegeen ciidamada Yahuudda, ninkan ayaa horay uga dambeeyay weerarro dhowr ah oo lagu qaaday waqooyiga dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysto ee Falastiin, wuxuuna si firfircoon uga shaqeynayay dib-u-habeynta awoodda madaafiicda ururka, taas oo ay Yahuuddu ku sheegtay in ay si cad uga hor imaanayso heshiisyadii ay horay u kala saxiixdeen labada dhinac.

Weerarkan ayaana kusoo beegmaya iyadoo maalmo kahor Yahuuddu ay dhoolatus milatari iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ballaaran ay ka sameysay xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Lubnaan iyo Suuriya, xilli sidoo kale ay duqeymo culus ka wado gudaha dalka Iiraan. Xukuumada Shiicada ah ee fadhigeedu yahay Tehraan ayaa ku hanjabtay, in hadii uu dagaalku sii socdo ay Kooxda Xisbullaah kusoo biiri doonto dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, war rasmi ah oo kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay, in aysan hadda qorsheynin weerar toos ah oo ay ku qaadaan Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.