Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsRuushka oo Sheegay Inuu La Wareegay Magaalooyin Istiraatiiji ah oo Dhaca Dalka...

Ruushka oo Sheegay Inuu La Wareegay Magaalooyin Istiraatiiji ah oo Dhaca Dalka Ukraine.

Dawladda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeedu ay si buuxda ula wareegeen laba magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla waqooyi-bari dalka Yukrayn, iyaga oo sidoo kale kordhiyay duqeymaha culus ee ay ku beegsanayaan magaalada Kiyeef, sida lagu sheegay war rasmi ah oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda Ruushka.

Magaalooyinka ay qabsadeen ciidamada Ruushka ayaa kala ah; Nofomi-kola’ifka oo ka tirsan gobalka Sumi oo qiyaastii 4 kiiloomitir u jirta xuduudda uu dalkaasi la wadaado Ruushka iyo sidoo kale magaalada Duufankah oo dhacda gobolka Kharkiif.

Tallaabadan ayay sheegeen ciidamada Ruushku inay qeyb ka tahay abaabul dagaal oo uu Ruushku ka wado xuduudaha uu la leeyahay Yukrayn. War kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga ee dalkaas ayaa lagu sheegay, in ciidamada Ruushku ay si dhamaystiran u burburiyeen saldhig milatari oo ay  ciidamada Yukrayn ku lahaayeen gobolka Sumi, iyagoo adeegsanaya gantaalka loo yaqaano Iskandar-ka.

Dhanka caasimadda Yukrayn, war cusub oo ay soo saartay xukuumada Kiyeef ayaa lagu sheegay, in khasaaraha ka dhashay duqeyntii toos-ka ahyd ee ay ciidamada Ruushku  la beegsadeen magaalada Kiyeef ay wali sii kordhayso, iyada oo la helay maydad hor leh, kuwaas oo lagasoo saaray burburka dhismaha la beegsaday oo ahaa dabaq ka kooban sagaal biyaano, waxayna xukumadu xaqiijisay in dhimashadu ay gaartay illaa 22 qof.

Wadahadallada xabad-joojinta ah ee u dhaxeeya labada dal ayaa weli hakad ku jira, iyadoo Ruushku uu ku adkeysanayo in Yukrayn ay aqbasho in Moskow ay si buuxda ula wareegto Shan gobol oo ay horey u qabsatay, ayna ka tanaasusho ku biirista NATO, shuruudahan ayay dawladda Yukrayn ku sheegtay, hanjabaado aan la aqbali Karin. Dawladda Ruushka ayaana wada dardar xoog leh oo ay ku qabsanayso dhul cusub, taas oo u muuqata in ay ka faa’idaysanayso culayska ay dawladaha reer galbeedku kala kulmayaan dagaalka ka holcaya Bariga dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.