Hogaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay boqollaal Geel ah oo qabaa’ilka Soomaaliyeed ku garab istaageen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo dowrka weyn ee haweenka Wilaayaatka Islaamiga ah, kaga jiraan Jihaadka Soomaaliya ka socda.
Nabadoon Ismaaciil Haaruun oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka islaamiga ah ee wilaayaatka Islaamiga ah ayaa isagoo ku hadlaya afka nuqabada Soomaaliyeed wuxuu si weyn u bogaadiyay beelaha Soomaaliyeed oo mudooyinkii lasoo dhaafay geel boqolaal ah ku wareejiyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale nabadoonka sheegay iney jiraan beelo kale oo wadada kusoo jira balanqaad weyne usameeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo ku jira diyaarinta boqolaal kale oo geel ah si loogu dardargaliyo halganka Shisheeyaha looga soo horjeedo ee ay ku jiraan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.