Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsMasuul Hore oo Itoobiyaan ah ah oo Eedeyn u Jeediyay Abiy Axmed.

Masuul Hore oo Itoobiyaan ah ah oo Eedeyn u Jeediyay Abiy Axmed.[DHAGEYSO]

Wasiiru Dowlihii hore wasaaradda nabadda ee Dowladda Itoobiya ninka lagu magacaabo Taye Dendea, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Horn Conversation waxa uu ku shaaciyay, arrimo badan oo ku saabsan xukuumadda Adis Ababa, isagoona tilmaamay in Abiy Axmed uu yahay ninka hurinaya coldaadaha ka taagan dalkaas.

Masuulkaan oo horay ula shaqeyn jiray Abiy Axmed ayaa waxa uu sidoo kale sheegay, in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dadaalayo sidii uu u baabi’in lahaa qowmiyadda Amxaarada.

Waxa uu intaas ku daray, in Abiy Axmed uu kasoo qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Nazret ee Itoobiya 29-kii July ee sanadkii 2021 isagoo ku labisnaa dareyska ciidanka, islamarkaana uu halkaasi ka jeediyey hadallo naxdin leh oo ku saabsanaa dagaalkii ka socday gobolka Tigreega.

“Wuxuu Abiy Axmed nagu dhahay, Jabhadda Xoreynta Tigreegu waxay hadda u socdaan gobolka Amxaarada. Annaga ayaa u dirnay si ay u burburiyaan gobolkaasi, ha u malaynina inay xoogooda tahay… Annaga ayaa hurinay dagaalka Tigree. Annaga ayaa jabhadda ku dhiirrigelinay inay weerarka fuliyaan.” Ayuu yiri Taye Dendea, Wasiiru Dowlihii hore wasaaradda nabadda ee Dowladda Itoobiya.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay, in Abiy Axmed uu raali ka yahay musuqmaasuqa ku dhexbaahay Dowladda Itoobiya, saraakiishiisana uu kula taliyay iney hoos udhigaan musqmaasuqa ay sameynayaan si’aan loo fahmin.

Wareysiga siyaasigaan oo ahaa mid hadal heyn badan ka dhex dhaliyay gudaha Itoobiya ayaa waxa uu sidoo kale ku sheegay, in Abiy Axmed uu saraakiisha ku amray in dadka ay dhibaatada ugeysanayaan aysan u ogolaanin iney warbaahinta la hadlaan, si ay uga waramaan dhibaatada loo geystay.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.