Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsBooliska Kenya oo Dhac Ugeystay Xarumo Ganacsi oo ay Soomaalidu ku Leeyihiin...

Booliska Kenya oo Dhac Ugeystay Xarumo Ganacsi oo ay Soomaalidu ku Leeyihiin Magaalada Nairobi.

Iyadoo ay wali sii socdaan dibadbaxyada ka socda dalka Kenya, ayaa waxaa lasoo warinayaa in ciidamo katirsan Booliska Kenya ay dhac u geysteen, xarumo ganacsi oo ay leeyihiin dhalinyaro ah Soomaali ah.

Dhalinyaradaan oo midkood iibinayay qalabka electrooniga ayaa waxa uu wargeys kasoo baxa Kenya u sheegay, in 10 maalmood kahor intii ay dibadbaxyada billaaban uu xaruntiisa ugu yimid nin ku wargaliyay in qiimo jaban uu kaga iibiyo qalabka uu hayo, markii uu diiday ayuuna ugu hanjabay in maalinta dibadbaxyada uu si bilaash ah ku qaadan doono, taas oo ah midda dhacday.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa baraha internetka qabsaday askar katirsan Booliska Kenya, kaas oo la cararaya laabtoobyo badan, kaas oo kasoo qaaday xarumaha ganacsi ee Soomaalida, si gaar ah labadaan dhalinyaro ee labeegsaday xarumahooda ganacsi.

Halkaan ka Degso Warka Dhaca Booliska Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.