Maxamed Ibraahim Faarax oo Fanax ku magacdheer, uguna magacaaban maamulka Jubbalanad gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa la saftay Dowladda Federaalka.
Isagoo warbaahinta la hadlay ayuu sheegay, in ciidamada Dowladda Federaalka ee la keeney Raas-kambooni uu dalbaday maamulkiisa, kadib markii deegaannada qaar ee halkaas ku yaala ka baxeen ciidamada Kenya.
Wuxuu sheegay in kabixitaankii ciidamada Kenya ee Kudhaa iyo Buurgaabo kadib, ay kusoo furantay xaalad amni, taasina uu buuxin kari waayay maamulka Jubbaland, sidaasi darteed ay qeyla dhaan u dirsadeen Dowladda Federaalka. Cod
Gudoomiyaha degmad Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ugu magacaaban Maamulka Jubbaland Maxmed Ibraahim Faarax, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Jubbaland uu ciidamo badan usoo diro deegaannada Jubbada Hoose, isagoo tilmaamaya inuu ka hortagayo duullaan lagu soo qaaday.