Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, gaari xamuul ah oo ku fariin goostay geerish ku yaalla magaalada Muqdisho.
Habeenkii xalay waxaa nawaaxiga Hotel Guuleed oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ka dhacay, shil gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa yimid kadib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah uu ku farriin goostay geerish iyo xarumo ganacsi oo ku yaalla halkaas, waxaana goobta ku geeriyooday 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.