Friday, June 20, 2025
HomeAll NewsFaahfaahin Laga Helayo Duqeymo ay Isdhaafsadeen Yahuudda iyo Xukuumadda Shiicada Iiraan.

Faahfaahin Laga Helayo Duqeymo ay Isdhaafsadeen Yahuudda iyo Xukuumadda Shiicada Iiraan.

Waxa ay xoga dheeraad ah kasoo baxayaan silsilado duqeymo ah oo ay ddiyaaradaha dagaaalka ee Yahuuddu habeenkii xalay ku qaaddeen gobolla kala duwan oo ka tirsan dalka Iiraan.

Warbaahinta dowladda Shiicada ee Iiraan ayaa sheegtay, in duqaymaha cirka ee Yahuudda lala beegsaday cutubyo millatari oo ku sugnaa mandiqadda Buustana-aabad oo dhacda gobalka Adrabiiyjaanta-Bari ee waddanka Iiraan, halkaas oo lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.

Halka afar qarax oo waawayn laga maqlay aagga warshadaha ee magaalada Rashat ee waqooyiga Iiraan. Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday, in nidaamkooda difaaca cirka ay xalay ku burburiyeen labo diyaaradood oo yar-yar oo ay leedahay Yahuudda, kuwaas oo dul heehaabayay meel ku dhow warshada saliidda ee Tehraan.

Dhanka kale, waxaa tafaasiil laga helayaa gantaal ay habeenkii xalay Iiraan la beegsatay magaalada Bi’ru-Sabca ee koonfurta dhulka Falastiin ee la haysta, gantaalka Iiraan ayaana sida ay xoguhu tilmaamayaan ku dhacay xarun tignoolajiyadeed oo ku taalla magaaladaas, taas muhiim u ahayd kayyaanka Sahaayinada, marka intaasi lagu daro inay jiraan Tobaan ruux oo ku dhaawacmay gantaalladaas, iyadoo warbaahinta Yahuudda ay soo tabisay, in dad gaaraya Soddon qof naxdin iyo argagax awgeed ay xakamayn waayeen nafsadooda taas oo keentay in lagu biiriyo liiska dadka dhaawacmay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.