Xiisad dagaal oo udhaxeysa ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland ayaa ka taagann magaalo katirsan gobalka Gedo.
Wararka ka imaanaya degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya, in magaaladaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland.
Ciidamada ayaa lasoo warinayaa iney kala xirteen magaalada, taas oo sababtay in ay cabsi lasoo daristo dadka ku dhaqan degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.