Maalintii shalay waxaa deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay, shil gaari oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 10 ruux.
Shilka ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 4 ruux, halka dhaawacyadana lasoo tabinayo iney ka badan yihiin 10 qof.
Laba gaari oo ka kala yimid Muqdisho iyo Afgooye ayaa galay shilkaan, waxaana muuqaallo laga soo duubay ay muujinayeen khasaaraha culus ee uu shilku geystay.