Warbixin uu soo saaray machadka lagu magacaabo dhaqaalaha iyo nabadda adduunka ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in dalal badan oo ku yaalla Afrika kana mid tahay Itoobiya ay qarka usaaran yihiin iney burburaan.
Wadamada ugu xasaradaha badan ee Afrika ayay warbixintu ku sheegtay iney yihiin, Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo.
Itoobiya oo ay si gaar ah uxustay warbixinta ayay sheegtay in uu yahay dal ay ka kolcayaan dagaallo culus, dowladda dalkaasna ay iminka qarka usaaran tahay iney burburto.