Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa duqeymo isdaba joog ah maanta ka fuliyay xaafadaha Ashujaaciyah iyo Atuffaax oo ka wada tirsan magaalada Qazza iyo magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Qazza, iyadoo aan saxaafadda lala wadaagin in ay jiraan dad wax ku noqday duqeymahaas iyo in kale.
Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa soo sheegay, in subaxnimadii hore ee saaka oo Sabti ah ay tiro dad ah ku dhaawacmeen duqeymo uu gumaystaha la beegsaday dad gargaar bini’aadantinimo ku sugayay bartamaha marinka Qazza.
Masaadir ku sugan isbitaalada Qazza ayaa warbaahinta la wadaagay, in 70 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha ay Yahuuddu ka waddo marinka Qazza tan iyo waaberigii Jimcihii shalay, kuwaas oo ay ku jireen 25 qof oo gaajaysan oo gargaar sugayay.
Dhanka kale, muqaawamada Falastiin ayaa xalay fiidkii baahiyay muuqaal cajiib ah oo lagu soo bandhigaya weerar kamiin ah oo ay dhawaan dagaal-yahannadooda ka fuliyeen bariga magaalada Khaan Yuunis.
Kamiinkan oo qayb ka ah silsilado camaliyaad ah oo ay muqaawamada Falastiin ugu magac dareen “Xijaaratu Daawuud, ayaa lagu beegsaday askar Yahuud ah oo lugaynaysay iyo gawaari gaashaaman oo ku socdaalaysay dariiqa sahayda loo soo mariya ciidamada Yahuudda ee bariga magaalada Khaan Yuunis ee Konfurta marinka Qazza.
Daqiidaha ugu horeeya ee fiidiyowga ayaa waxaa lagu daawan karaa shish-yahannada muqaawamada oo sii toos ah u tooganaya askar Yahuud ah, kuwaas oo ku socdaalaysay burburka dhismayaasha dhexdooda, sida laga dheehan karo muuqaalka saddaxda askari ee hor-socda colka Yahuudda ayay xabuddu haleelaysaa, iyadoo laba uu mid yahay sarkaal ay goobta ku quur-baxayaan, halka kan sadaaxaad oo ah sarkaal ka tirsan sirdoonga Yahuudda isagoo garaab ah ay ciidamada Yahuudda goobta ka qaadayaan.
Sidoo kale, qaybaha danbe ee muuqaalkan waxaa lagu soo bandhigayaa, dagaalyahannada muqaawamada Falastiin oo kamiin heer sare ah oo aad loo soo qorsheeyay u dhigaya gawaaridi gaashaaman ee Yahuudda oo ku socdaalayay wadda uu saadka usoo mare ee bariga magaalada Khaan Yuunis.
Kamiinka ayaana ku bilaabanayana miinooyinka lidka ku taangiyada oo dagaal-yahannada muqaawamada Falastiin ku diyaariyeen hareeraha wadda, waxaana intaasi kadib xiga dagaal toos ah oo ay dagaal yahannada oo adeegsanaya garneellada garbaha laga tuura ay ku qaadeen gawaaridii Yahuudda ee ku socdaalaysay wadadaas.
Gawaarida gaashaaman ee Yahuudda ee ay haleeshay miinooyinka iyo madaafiicda ay la dhaceen muqaawamada ayaa fariistay iyaga oo aan si wayn u gubanin, balse dagaal yahannada muqaawamada oo takbiirsanaya ayaa u daatay gawaarida Yahuudda iyagoo la dhacay garneellada garabka laga tuura, si aysan Yahuudda u dayactirinin.
Muuqaalkan ayaa sacadihii lasoo dhaafay si wayn ugu faafay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto, iyadoo ay laabta ugu qaboowday kumanaan Falastiiniyiin ah oo ay Yahuuddu ku hayso gumaad wuxuushnimo oo soo marin taariikhda casrigaan.