Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in shirkii uu dhawaan Xasan Sheekh ku qabtay magaalada Muqdisho uu isugu keenay dad isaga udaacad ah ee uusan uqaban xubnaha mucaaradka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in guddoonka Baarlmaanka uu noqday mid aan waxba qaban karin oo hal dhinac u janjeera, sababta ay qabsoomi la’yihiin kulamada ayuuna ku sheegay iney qeyb ka tahay arrintaas.
Mar uu ka hadlayay war dhawaan kasoo baxay Dowladda Fedaraalka oo ahaa iney Shisheeyaha joojiyaan faragalinta arrimaheeda ayuu Jeesow xusay, in 70% ay ku tiirsan yihiin Shisheeyaha, Xasan Sheekhna uu kolkii hore ku qeylin jiray iney Shisheeyuhu soo faragaliyaan arrimahooda.