Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsBulshada Soomaali-galbeed oo si Aadag Kaga Horyimid Xariga Aadan Alaale.

Bulshada Soomaali-galbeed oo si Aadag Kaga Horyimid Xariga Aadan Alaale.[DHGEYSO]

Dad Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumeysato ayaa si adag uga horyimid talalabada lagu xiray mid kamid ah aqoonyahannada deegaanka oo lagu magacaabo Aadan Alaale.

Mid kamid ah aqoonyahannada gobolka Siti ee dhulka Soomaaligalbeed ayaa sheegay, in maamulka magaalada Dirirdhaba ee Itoobiya uu hoostaga ay ka dambeeyaan xiritaanka Aadan Alaale, lana doonayo in la iska hor keeno dadka Soomaaliyeed iyo qowmiyadda Oromada.

Aadan Alaale ayaa ah nin u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda Soomaalida Itoobiya gumeysato, waxaana uu si gaar ah waayadii u dambeysay u sheegayay in Dirirdhaba iyo Mooyaale ay yihiin dhul Soomaaliyeed, waana hadalka loo badinayo inuu soo dedejiyay in xabsiga la dhigo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Aadan Alaale, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.