Hogaamiyaha maamulka Oromiya ayaa sheegay, in Jabhadda Oromada ee OLA ay maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ufududeyso weerarada ay ka geystaan gobalka.
Shimalis Abdisa oo ah hogaamiyaha maamulka Oromiya, ayaa isagoo ka hadlayay xaaladda gobalka Oromiya waxa uu eedeyn ujeediyay Jabhadda Oromada, taas oo uu tilmaamay iney ka dambeyso weerarada ay FANO ka geysato gobalkaas.
Abdisa ayaa sheegay in OLA ay FANO u baneeyaan dariiqyada ay kasoo dusaan weeraradana uga soo qaadaan gobalka Oromiya.
Hadalka hogaamiyahaan ayaan kusoo aadaya maalmo un kadib markii uu gobalka ka dhacay, dibadbax ay dhigeen dadka ku dhaqan gobalka Oromiya, kaas oo ay kaga soo horjeedeen weerada ay FANO ka geysaneyso mandiqadda, iyo dilkii ay dhawaan kooxdaasi u geystatay wiil dhalinyaro ah.
OLA oo iska fogeysay eedeymaha loosoo jeediyay ayaa sheegtay, in dhibaatada ka taagan gobalka ay wadaan Dowladda Itoobiya iyo maamulka Oromiya, si ay isaga horkeenaan qowmiyadaha uu ka dhaxeeyo daris wadaaga iyo daaqsinka ee Amxaarada iyo Oromada ayay tiri Jabhadda OLA.