Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 60 Askari oo Dimasho & Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka...

Ku Dhawaad 60 Askari oo Dimasho & Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobalka Hiiraan ayaa waxa ay fuliyeen, weeraro culus oo khasaare dhaliyay islamarkaana ay kula wareegeen saldhigyo ciidan

Weerarada oo 2 ahaa ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen duleedka deegaanka Ceel-qooxle ee degmada Moqokori oo katirsan gobalka Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraradaan kula wareegay, 2 xero oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceel-qooxle, kuwaas oo ay ku sugnaayeen askarta Dowladda Fedaraalka.

Inta la xaqiijiyay waxaa weeraradaan lagu dilay lagu dilay 37 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 20 kale.

Waxaa suuragal ah in khasaaraha gaaray ciidamada Dowladda Fedaraalka uu intaasi ka badan yahay, wixii tafaasiil ah ee kusoo kordhana waxaan idiin soo gudbin doonnaa insha’allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.