Hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland ayaa shalat ka dagay Magaalada Garoowe, iyadoona wasiir u hadlay maamulkiisa uu shaaciyay inuusan wax wadahal ah kala dhaxeynin Dowladda Fedaraalka.
C/fataax Mukhtaar oo ah Wasiirka Warfaafinta ee maamulka la baxay Jubbaland ayaa sheegay, in wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe ay ka dageen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka la baxay Puntland.
Waxa uu tilmaamay in kolkii horaba uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaaxeeyay labada maamul, isagoo intaas ku daray iney kawada hadli doonaan arrimo ay muhiim u arkaan.
Mar wax laga weydiiyay iney kawada hadli doonaan khilaafka labada maamul kala dhaxeeya Xasan Sheekh ayuu wasiirku xusay iney suuragal tahay arrintaaas.
Isagoo sii hadlayay ayuu tibaaxay in aysan jirin wax wadahadal ah oo dhexmari kara maamulka la baxay Jubbaland iyo Xasan Sheekh.