Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka Nuseyriyada oo Duqeeyay Dugsi Qur’aan oo ku Yaalla Gobalka Idlib, Suuriya.

Maamulka Nuseyriyada oo Duqeeyay Dugsi Qur’aan oo ku Yaalla Gobalka Idlib, Suuriya.

Ciidamada Maamulka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ayaa xalay duqeyn wuxuushnimo ah la beegsaday, machad lagu baro Qur’aanka Kariimka oo ku yaalla magaaladaa Ariixa ee katirsan gobolka Idlib oo kamid ah wadanka Suuriya.

Duqeyntan oo ahay madaafiic ay tuureen askarta Nuseyriyada, ayaa waxay ku dhacday machad ay caruurta yar ku bartaan Qur’aanka Kariimka.

Sida wararka hordhaca ah lagu helayo, waxaa duqeyntan ku shahiiday 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen in kabadan 10 kale.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismaha machadka, mana ahan markii ugu horreysay oo uu maamulka Nuseyriyadu duqeyn ka geysto gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.