Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsFaahfaahin: 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weeraradii Duleedka Beydhabo.

Faahfaahin: 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weeraradii Duleedka Beydhabo.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro cagmarin ah oo ay maanta aroortii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xeryo ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Xeryaha la weeraray oo 2 ahaa ayaa waxa ay ku yaallaan deegaanka Bur-jaad ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo, waxaana weerarada ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah udhigay, askarta katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo gurmad ahaan usoo aaday xeryaha cagta la mariyay, dib ayaana loogu celiyay Beydhabo iyagoo khasaare dhabarka ku sita.

Ugu yaraan 12 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weeraradaas, halka lagu dhaawacay 28 kale, waxaana jira maxaabiis, hub iyo agabyo millatari oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.