Munaasabad kaa dhacday degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubada-dhexe ayay Beesha Ajuuraan ku wareejisay 17 neef oo Ari ah, kuwaas oo ay ugu tala gashay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan furimaha dagaalka.
Odayaal dhaqan, waxgarad iyoo masuuliyiin ka socday maamulka islaamiga ah ee degmada Jilib ayaa kasoo qeyb galay, munaasabadda ay Beesha Ajuuraan ku wareejisay 17 neef ee Ariga ah.
Odayaasha Beesha oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka warbixiyay xoolaha ay wareejiyeen, iyagoona tilmaamay in tani aysan noqon doonin tii ugu dambeysay, balse ay sii wadi doonaan bixinta xoolaha ay ku garab taagan yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.