Kadib markii uu socon waayay mashruuca loogu yeeray doorashada qof iyo codka ah ee ay Dowladda Fedaraalka sheegtay iney ka qabaneyso magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay taasi dhalisay in ay ciidamadu qafaalaan dadka shacabka ah.
Dowladda Fedaraalka ayaa billawday iney wadada ugasho gaadiidka dadka shacabka ah, qaarkoodna ay guryaha ugu gasho, iyadoona ku qasbeysa iney iska diiwaan galiyaan doorashooyinka
Laga soo billaabo Ifka Xalane, Miizaanka Dhuxusha, Towfiiq, Saraha Ceymiska, Ex-Koontarool Balcad, Illaa laga gaaro Soos ayay Dowladda Fedaraalka ka wadaa qafaalka dadka shacabka ah, kuwaas oo ay geyneyso xarumo si qasab ah la isaga diiwaan galinayo.
Muuqaal qabsaday baraha internetka ayaa muujinaya, ciidamada Dowladda Fedaraalka oo isku dayaya iney qori caaradiis ku ka xeeyaan dad shacab ah oo saaran gaari wadada marayay, balse dadka rayidka ah ayaa ka hor imaanaya arrinkaas.