Qiimaha shiidaalka ayaa si lama filaan ah kor ugu kacay maanta oo Isniin ah, kaddib markii Mareykanku uu qaaday weerarro cirka ah oo lagu beegsaday saddex xarumood oo muhiim ah oo lagu bacramiyo Yuraaniyowmta Nukliyeer-ka oo ay Iiraan leedahay, taas oo walaac xooggan gelisay suuqyada tamarta caalamka.
Saliida cayriinka ah ayaa gaartay qiimo dhan 81.40 Doollar halkii foosto, taas oo u dhiganta koror dhan boqolkiiba 5.7%, iyada oo walaac xooggan ku abuurtay dawladaha aan soo saarin shiidaalka ee ku tiirsan midka dibada looga keeno.
Walaaca ugu weyn ayaa ka taagan suurtagalnimada in Iiraan ay xirto marin-biyoodka Hormuz, oo ah halbawlaha muhiimka ah ee dhoofinta shiidaalka dunida, kaddib markii Baarlamaanka Iiraan uu ansixiyay mooshin arrintan looga wada hadlayo. Khubaro ku takhasustay cilmiga dhaqaalaha ayaana ka digay kor u kaca qiimaha shiidaalka, kuwaas oo sheegay in qiimuhu uu gaari karo xadi gaaraya boqolkiiba 20% illaa 25% halkii fuusto.
Wararka laga helayo dalka Iiraan ayaa sidoo kale ku waramaya suurtagalnimada, in Iiraan ay ku dhiirrigeliso xulafadeeda gobalka sida Xuutiyiinta Yaman, inay fuliyaan weerarro ka dhan ah maraakiibta shidaalka ee mara Badda Cas, taas oo keeni karta baqdin kale oo sii xumayn karta qiimaha shiidaalka.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Yahuudda iyo Iiraan 13-kii bishan Juun, qiimaha shidaalka dunida ayaa kor u kacay boqolkiiba 13%, taas oo caddayn u ah, ku xirnaashaha caalamka ee shiidaalka kasoo baxa wadamada khaliijka carabta, kuwaas oo laftooda dareemaya saamaynta uu ku yeeshay dagaalka ka socda gobalka.